Xogahayaha Guud ee G/Banadir Oo kulan la yeeshay Mas’uuliyiin ka socday Hey’adda IOM+Sawiro

0
284

Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Xiirey Axmed Rooble ayaa kula yeeshay Muqdisho Mas’uuliyiin ka socday Hey’adda IOM, World Bankiga, Wasaaradda Howlaha guud iyo Guryeenta iyo maayarada Magaalooyinka Baydhabo iyo Garowe. Iyadoona Shirkaan loogu hadlayay daahfurka mashruuca ka jawaabista dadka abaaraha ay soo sameeyeen, kuwaasi oo kasoo barakacay Gobolada dalka.

Agaasimaha guud ee arrimaha Bulshada, Agaasimaha sama-falka, Agaasimaha Mashaariicda iyo Ergeyga gaarka ah ee Maamulka Gobolada Banaadir u qaabilsan Arrimaha Abaaraha oo shirka ka qeybgalay ayaa waxa ay ka warbixiyeen xaalada dadka Abaaraha ay soo saameeyeen ee soo gaaray Gobolka Banaadir iyo Qorshaha Maamulka ee ku aadan gargaarka iyo dib-u-dejinta.

Hey’addaha IOM iyo World Bank ayaa balan qaaday in ay gacan ka geysan doonaan sidii wax loogu qaban lahaa Barakacayaasha soo gaaray Muqdisho ee Abaaraha soo saameeyeen iyadoona dhinaca kale Maamulka Gobolka Banaadir ay xuseen in iyagoo fulinaya Awaamiirta Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ay horey gargaar u gaarsiiyeen xerooyinka ay ku noolyihiin dadka Abaaraha soo saameeyay hadana ay sii wadi doonaan dadaalada lagu gargaarayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here