Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa guddoomiyay shirka degmooyinka gobolka Banaadir oo looga hadlay qorshaha dardar-gelinta bilicda caasimadda, wax ka qabashada biyo-qabadyada iyo biyo-mareennada, amniga iyo u diyaar-garowga doorasho qof iyo cod oo ka dhacda gobolka Banaadir.
Duqa Muqdisho ayaa shirka kusoo bandhigay qorshayaasha hortabinta u leh oo ay ugu horeeyaan magaalo nabdoon, nadiif ah, cagaaran, bulshada caasimadda oo hesha adeegyada aasaasiga ah iyo in talada dib loogu celiyo bulshada si ay u soo doortaan hoggaankooda.
Sidoo kale, waxaa ku dheeraaday ka go’naashiyahiisa ku aaddan hirgelinta qorshayaashaasi uu ka leeyahay caasimadda, asiga oo kula dardaarmay maamulada degmooyinka gobolka Banaadir in si wadajir ah loogu wada-shaqeeyo horumarinta caasimadda, in bulshada si hufan oo daacadnimo ah loogu adeego loona dhimriyo dadka baahiyaha gaarka qaba iyo barakacayaasha ku nool Muqdisho.
Ugu dambeyb, Shirkan oo ay goobjoog ka ahaayeen guddoomiye ku-xigeenada maamulka gobolka Banaadir ayaa inta uu socday lagu soo bandhigay qorshaha u diyaar-garowga miisaaniyad sanadeedka 2025-ka, qaab-dhismeedka maamullada degmooyinka, qorshe hawleedka sanadka 2025-ka iyo xoojinta horumarada dhinaca amniga ee ka jira caasimadda dalka.
























