Wasaaradda deegaanka iyo isbeddelka cimilada Soomaaliya bayaan ay soo saartay ku sheegtay in laga billaabo 30-ka Juun 2024, gebi ahaanba la joojiyay in dalka la soo galiyo bacaha fudud ee halka mar la isticmaalo. Waxaana uu qoraalku u dhignaa sidan:
1. In gabi ahaan Soomaaliya Iaga joojiyo soo dejinta, dhoofinta, soo saaridda, ka ganncsiga iyo isticmaalka bacaha fudud ee halka mar Ia isticmaalo Iaga billaabo 30-ka Juun ee sanadkan 2024-ka.
2. In dhammaan ganacsatada soo dajisa bacaha, ku leh warshadaha soo saara, ganacsatada tafaariiqleyda ah iyo goobaha ganacsi ee dalka lagu wargelinayo in laga billaabo 30-kan Juun 2024, aan bacaha fudud on halka mar Ia isticmaalo dalka Ia soo galin karin, lagana isticmaali karin.
3. Wasaaraddu waxa ay dhammaan shirkadaha iyo ganacsatada ku dhiirri-gelinaysan hindisidda beddelka bacaha, kuwaas oo aan deegaanka waxyeello u gaysanayn. Wasaaraddu gacan ayay ka gaysanaysaa taageeridda ganacsatada ku hawlan sidii Ioo heli lahaa walxo beddel ka noqda bacaha halka mar la isticmaalo.
Haddaba, waxaa lagu wargelinayaa dhammaan ganacsatada iyo shirkadaha ay khuseyso warqadan inay u hogaansamaan awaamiirta kor ku xusan. Waxaa laga codsanayaa dhammaan hay’adaha dowladda ee warqadani ku socoto in ay gacan ku siiyaan wasaaradda dhaqan-gelinta wareegtadan.
Ugu dambeyn, qoraalkan waxaa ku saxiixnayd wasiiradda wasaaradda deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, Ambassasor Khadiija Maxamed Almakhzoumi.













