Guddoomiye Madaale oo xafiiskiisa ku Qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka: SAWIRRO

0
231

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, mudane Maxamuud Macallim Cabdulle, iyaga oo ka wadahadlay xal u helidda caqabadaha soo laalaabtay ee Caasimidda, fududeynta hawlaha gargaarka iyo u diyaar-garowga khatarta roobka gu’ga ee la saadaalinayo.

Intii uu socday kulanka ayaa waxaa lagu gorfeeyay sidii loo hagaajin lahaa bullaacadaha iyo biyo-mareennada magaalada ee musiibada ku noqday bulshada, si loo fududeeyo nolosha iyo isku-socodka, guddoomiyaha hay’adda SoDMA ayaa soo jeediyay in meesha laga saaro (la dumiyo) guryaha ka dul-dhisan goobihii loogu talagalay in bullaacaduhu maraan.

Dhanka kale, labada dhinac waxa ay isla meel dhigeen muhiimadda ay leedahay in meesha laga saaro dadka horjoogayaasha ka ah xarumaha barakacayaasha ee u dhaxeeya deeq-bixiyayaasha iyo dadka nugul ee kaalmada u baahan, iyada oo la adeegsanayo hay’adaha amniga iyo garsoorka dalka.

Ugu dambeyn, Labada dhinac waxa ay ku ballameen in loo diyaar-garoobk daadadka xooggan ee la saadaalinayo inay dhawaan ka da’aan Caasimadda dalka, iyada oo la xusuusto inay roobab xooggan oo dhaw bilood ka hor ka da’ay Caasimadda si weyn loo maareeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here