Soomaaliya oo Daahfurtay Xaruntii Qaran ee ugu horreysay ee Internet Baratakoolka IPv6 ee Qaaradda Afrika: SAWIRRO

0
303

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) iyo Jaamacadda Jamhuriya ee Culuumta iyo Teknolojiyadda, oo kaashanaya Xarunta Macluumaadka Shabakadaha ee Afrika (AFRINIC), ayaa si rasmi ah u daahfuray Xarunta Qaranka ee Internet baratakoolka IPv6, taasoo ah tii ugu horreysay ee noocaan ah ee laga hirgeliyo qaaradda Afrika, looguna talagalay in lagu hormariyo isgaarsiinta iyo adeegyada dhijitaalka ee dalkeenna.

Xaruntan cusub ayaa noqon doonta xarun u heellan cilmi-baaris, tababar, iyo hirgelinta teknoolajiyadda Internet baratakoolka IPv6, iyada oo hubinaysa in Soomaaliya ay u gudubto kaabayaal internet oo ammaan badan, la cabbiri karo, oo casri ah. Ka guuridda IPv4 ee loogu sii gudbayo IPv6 waa tallaabo muhiim ah oo kor u qaadaysa helitaanka internet-ka, xoojinta amniga shabakadaha, iyo taageeridda teknoolajiyadaha soo baxaya sida 5G iyo waxyaabaha internet-ka ku xiran (Internet of Things).

Munaasabadda daahfurka ayaanwaxaa ka soo qaybgalay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, madax ka socday shirkadaha isgaarsiinta, jaamacadaha, iyo daneeyeyaasha muhiimka ah ee ka shaqeeya horumarinta isgaarsiinta dhijitaalka ee dalka.

Madaxwaynaha Jaamacadda Jamhuriya ee Cilmiga & Teknolojiyadda, Eng. Maxamed Axmed Maxamuud, oo ka hadlayay daahfurka, ayaa ammaanay iskaashiga u dhexeeya hay’adaha dowladda iyo jaamacadaha si kor loogu qaado adeegyada dhijitaalka, isaga oo yiri: “Iskaashigan waa furaha horumarka teknoolajiyadda iyo aqoonta Soomaaliya. Xoojinta wadashaqeynta hay’adaha dawladda iyo jaamacadaha waa muhiim si loo dhiso dhaqaale dhijitaal ah oo xooggan.”

Maareeyaha Guud ee Hay’adda, Mudane Mustafa Yaasiin Sheekh, ayaa xusay muhiimada istiraatiijiga ah ee la jaanqaadka IPv6, isaga oo tilmaamay doorka ay ku leedahay ballaarinta adeegyada internetka, xoojinta amniga dhijitaalka, iyo hirgelinta teknoolajiyadaha horumarsan ee kaabayaasha isgaarsiinta ee dalka. Wuxuu yiri: “Xaruntan waa guul muhiim ah oo lagu casriyeynayo qeybta isgaarsiinta ee Soomaaliya, islamarkaana lagu xoojinayo koboca dhijitaalka ah. IPv6 ma aha oo kaliya casriyeyn, balse waa aasaaska nidaam internet oo adkeysi leh oo la jaanqaadi kara mustaqbalka.”

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada, H.E. Maxamed Aadan Macalin, ayaa xaqiijiyay sida ay dowladda uga go’an tahay horumarinta isku-xirka dhijitaalka ah, wuxuuna ugu baaqay dhammaan dhinacyada ay khuseyso inay taageeraan qaadashada iyo hirgelinta IPV6. “Daah-furka xaruntan waxay astaan u tahay in Soomaaliya ay u gudubtay marxaladda casriga ah ee dhijitaalka ah, waxaan ku boorrinayaa dhammaan shirkadaha isgaarsiinta, jaamacadaha, iyo ganacsatada gaarka loo leeyahay inay door firfircoon ka qaataan hirgelinta Istiraatiijiyadda Qaranka ee IPv6.”

Intii lagu guda jiray munaasabadda, Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka iyo Jaamacadda Jamhuriya ayaa kala saxiixday heshiis Isfaham (MoU), kaasoo rasmi ka dhigaya iskaashigooda isla markaana jaamacadda u xilsaaraya martigelinta xarunta. Heshiisku wuxuu qeexayaa iskaashiga xagga tababarka, cilmi-baarista, iyo dadaallada wacyi-gelinta dadweynaha si loo fududeeyo u gudbida IPV6 ee Soomaaliya oo dhan.

Ugu dambeyn, Xarunta Qaranka ee IPv6 waa qayb muhiim ah oo ka mid ah Istaraatiijiyada ICT-ga Qaranka ee Soomaaliya, taasoo xoojinaysa ka go’naanta dalka ee ku aaddan mustaqbal dhijitaal ah oo sugan, la cabbiri karo oo waara.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here