Gudoomiyeyayaasha dhallinyarada degmooyinka Gobalka Banaadir oo uu hor-kacayo Guddoomiyaha dhallonyarada Gobalka Banaadir, Cabdikaafi Maxamuud Makaraan ayaa xaruntooda dhallinyarada Gobolka Banaadir ee degmada Shangaani kulan mahadcelin ah ugu sameynay guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh).
Guddoomiye Yabooh oo horay kulammo ula qaatay Guddoomiyeyaasha dhallinyarada Gobolka Banaadir ayay u gudbiyeen tabashooyin ay qabeen oo ah dhanka xuquuqda shaqaalenimo iyo mid dhaqaale.
Dhankiisa, Guddoomiye Yabooh ayaa tabashadaas u gudbiyay guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), iyadoo si dhaqo ah looga soo jawaabay, iyadoo guddoomiyeyaasha dhallinyarada degmooyinka maanta wixii ka dambeeya ay la mid yihiin mas’uuliyiinta kale ee degmooyinka.
Ugu danbeyn, Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, Moxamed Yabooh, ayaa Gudoomiyeyaasha dhallinyarada degmooyinka G/Banaadir ku bogaadiyay in si wanaagsan loola shaqeeyo mas’uuliyiinta degmooyinka, gaar ahaan saraakiisha amniga si loo xaqiijiyo amniga Caasimadda.














