Qaramada Midoobay oo Muqdisho ku xustay Maalinta Caalamiga ah ee Wacyigelinta Miinooyinka iyo Khatarahooda

0
139

Iyadoo la xusayo maalinta caalamiga ah ee wacyigelinta iyo kaalmeynta ku aaddan miino saarista awgeed, ayaa Qaramada Midoobay waxay mar kale xaqiijisay sida ay uga go’an tahay inay Soomaaliya ku garab-istaagto la dagaallanka khataraha ka dhasha walxaha qarxa si loo helo mustaqbal nabdoon oo bedqaba oo ay ku naaloodaan dhammaan dadka Soomaaliyeed.

Iyadoo dhinaca kale la ogyahay in miinooyinka dhulka lagu aaso iyo walxaha qarxa ee macmalka ah ee aan loo meel dayin ay saameeyeen ku leeyihiin dadka rayidka ah.

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan oo hadlay ayaa yiri. “Waxaan xasuusanaynaa dadkii naftooda ku waayay miinooyinka dilaaga ah, waxaana mar kale xaqiijineynaa sida ay nooga go’an tahay in aan la shaqeyno dowladda Soomaaliya iyo saaxiibada aan bah-wadaagta nahay si loo yareeyo khatartan halista ah.”

Mr Swan ayaa intaa ku daray; “Si wadajir ah ayaan u horumarineynaa awoodda shaqo ee ciidamada amniga Soomaaliyeed si loo yareeyo khatarta ka dhalata miinooyinka dhulka lagu aaso iyo haraadiga walxaha qarxa ee macmalka ah ee ku hara goobaha lagu dagaallamay,”

Guud ahaan Soomaaliya, walxaha qarxa waxay halis weyn ku yihiin nabadda iyo amniga, iyadoo 597 aaladood ay ka dhasheen khasaaraha soo gaaray in ka badan 1,400 qof sannadkii hore.

Qaramada Midoobay waxay muddo dheer taageereysay, welina ay taageereysaa hay’adaha amniga ee Soomaaliya si loo yareeyo khataraha la xiriira walxaha qarxa iyo haraadiga dagaallada.

Horumarro ballaaran ayaa laga gaaray dhisidda awoodaha waxqabad ee hay’adaha qaran iyadoo loo marayo tababarro iyo bixinta qalab gaar ah oo casri ah bishii Febraayo ee sanadkan.

Hay’adda Adeegga Miino Saarista ee Qaramada Midoobay (UNMAS) ayaa wareejisay noocyo kala duwan oo qalab ah oo loogu talagalay naf badbaadin si looga hortago halista walxaha qarxa.

Sanadkii 2005, Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa ku dhawaaqay in 4-ta Abriil ee sanad walba la xuso Maalinta Caalamiga ah ee Wacyi-gelinta iyo Kaalmaynta ku aaddan Miino Saarista si kor loogu qaado wacyigelinta la xiriirta baahida loo qabo in la sii wado dadaallada la rabo in lagu kobciyo miino-saarista dalalka ay ka jirto halista walxaha qarxa ee dhibaateeya dadka rayidka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here