Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magacaabay Guddiga Qaran ee Taakuleynta Dagaalka lagula jira kooxaha Khawaarijta ee Shabaab iyo Daacish.
Xubnaha Guddiga Taakulaynta Dagaalka, ayaa waxaa hoggaaminaya oo Guddoomiye u ah Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali.
Waxaana xubno ka ah Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Axmed Amiir, Wasiirka Caafimaadka Cali Xaaji Axmed, Wasiirka Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Bashiir Maxamed Jamac, Wasiirka Arimaha Gudaha Cali Yuusuf Cali Xoosh, Wasiir Maxamed Cali Xagaa iyo Guddoomiyaha Hey’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Maxamed Macalin Xasan













