Soomaaliya iyo dunida muslimka ah oo maanta laga wada ciiday

0
785

Waxaaa maanta si isku mid ah looga ciiday dhamaan dunimada Muslimka ah iyo wadamada kale ee ku sugan yihiin dadka Islaamka ah.

Magaalada Muqdisho iyo goblada dalka ayaa maanta si weyn looga ciiday, iyada oo dadku ay si nabad geliyo ah ugu ciideen xaafadaha iyo degmooyinka ay ka kooban thay caasimadda.

Farxad iyo damaashaad ayaa dadka ka muuqat si ay uga qeyb-qaataan damaashaadka munaasbadda ciidul-Fitriga, waxaana wadooyinka magaalada lagu arkayaa waalidiinta oo la ciidaya carruurtooda, sida uu ku soo warramaya weriyaha Bar-kulan ee Muqdisho.

Wariyaasha Nation Fm oo la damaashaaday shacabka ciidaya ayaa tilmaamay in mashquul xoogan maanta laga dareemayo gaadiidka dadweynaha, iyo mootooyinka loo yaqaano Bajaajka ee dadweynaha ka kala daabulaya xaafada magalaada Muqdisho.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa si weyn loo adkeeyay, iyada oo ciidamada amniga la dhigay dhammaan waddooyinka, si loo sugo amniga.

Magaalooyinka Maamul Goboleedyada & degaannada Somaliland ayaa saaka siweyn laga dareemayaa Ciida.

Dhmaan madaxda Soomaalida ayaa salaadii ciida la dukaday dadka ku nool Soomaaliya, si ay ula qeybsadaan farxadda munaasabadda ciidul fitriga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here