Adeegyadii garoonka diyaarada Aadan Cadde oo dib u soo laabtay

0
119

Shaqooyinka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa u socda si caadi ah ayada oo uusan wax hakad ah ku imaan mudadii ay socotay shaqaaqadii ka dhacday meel u dhow garoonka diyaaradaha.

Maareeyaha Guud ee hey’adda Duulista rayidka Soomaaliyeed Axmed Macalim ayaa Telefishinka Qaranka u sheegay in wax hakad ah aysan galin duulimaadyadii garoonka isla markaana si caadi ah ay u baxeen una yimaadeen duulimaadyadii qorsheysanaa ee maanta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here