Gobolka Banaadir oo hawlgaliyay 4 Schoolka 10 kalana dib u dhis ku wada.

0
72
Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta ka qaybgalay munaasabad ka dhacday Tiyaatarka Qaranka, oo lagu abaalmarinayay ciidankii sugayay amniga imtixaannadii qaranka ee sanad dugsiyeedkii la soo dhaafay iyo hawlwadeennadii kale ee ka qayb qaatay, isla markaana lagu daahfurayay sanad dugsiyeedka cusub ee 2025/2026.
Munaasabadda waxaa goob joog ka ahaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, madaxda qaranka iyo Wasiirka Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir.
Guddoomiye Dr. Muungaab oo madasha khudbad ka jeediyay ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda waxbarashadu u leedahay bulshada, isaga oo xusay in maamulka Gobolka Banaadir ay ka go’an tahay dhiirrigelinta waxbarashada, gaar ahaan fursad-siinta gabdhaha Soomaaliyeed.
Guddoomiyuhu waxa uu tusaale u soo qaatay guusha gabdhihii kaalmaha sare ka galay imtixaanka qaranka ee fasallada 8-aad iyo 12-aad, isagoo sheegay in ardaydaasi uu guddoonsiiyay abaalmarinno, halka gabadhii kaalinta koowaad ka gashay dugsiga sare uu maamulka gobolka siiyay deeq waxbarasho oo dhammaystiran.
Sidoo kale, Dr. Muungaab ayaa shaaciyay in maamulka gobolka ay dib u hawl geliyeen shan iskuul, toban kalena ay hawlo dib-u-dhis iyo hawlgelineed ka socdaan, taas oo qayb ka ah qorshaha ballaaran ee lagu horumarinayo waxbarashada carruurta Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here