Golaha Wasiirrada Xukuumada Federaalka Somalia oo maanta yeeshay kualankoodii caadiga ahaa, ayaa ansixiyey soo jeedinta wasaarrada amniga gudaha ee magacaabidda taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliyeed, kaas oo loo magacaabay Jeneraal Asad Cismaan Cabdullaahi.
Taliyaha cusub ee goluhu ansixiyey, ayaa ah sarkaal aqoon iyo khibrad u leh arrimaha ciidamada, isagoo intii u dhaxeysay sanadihii 2007 illaa 2018 soo noqday taliyaha ciidanka amniga Puntland ee PSF.
Shirka Golaha Wasiirrada ee maanta ayaa waxaa guddoominayay ku-simaha ra’iisul wasaaraha, ahna ra’iisul wasaare ku-xigeenka kukuumadda JFS, mudane Saalax Axmed Jaamac.
Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Somalia, mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa u magacaabay, mudane Sulub Axmed Firin oo ahaa taliyihii hore ee booliiska Soomaaliyeed, wasiir ku-xigeenka wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada XFS.