Wararka ay Qoreen Wargeysyada ka Faallooda Isboortiga ee la xiriira Cayaartoyda iyo Kooxaha Kubadda Cagta

0
140

Wargeysyada ka fallooda cayaaraha ee Yurub ayaa qoray warar ku saabsan kooxaha doonaya cayaaryahanno cusub iyo cayaartoyda doonaya inay ku biiraan kooxo kale; haddaba waxaan idiin soo koobnay wararkii ugu waaweynaa ee ay wargeysyadu qoreen.

Weeraryahanka Tottenham Son Heung-min ayaa wuxuu bartilmaameed u yahay kooxaha ka dhisan Sucuudiga, waxaana maamulka Tottenham ay sheegeen inay ku doonayaan 32-jirkaan u dhashay dalka Koonfurta Kuuriya lacag aan caddadkeeda la sheegin, si ay u helaan lacago ay kusoo iibsadaan cayaartooy kale. (Telegraph).

Laacibka garabka uga cayaara kooxda Manchester United, Jadon Sancho ayaa sidoo kale laga yaabaa inuu ku biiro mif ka mid ah kooxaha Al-Hilal, Al-Ittihad iyo Al-Nassr oo ka dhisan Sucuudiga kuwaas oo dhamaantood xiiseynayaan 25-jirka reer England. (Mirror).

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Real Sociedad, Martin Zubimendi oo 26-jir ah ayaa shaki galiyay inuu ku biirayo Arsenal, iyadoo ciyaaryahanka heerka caalami ee u dhashay dalka Spain uu sheegay inuu weli ka fikirayo kooxdii uu ku biiri lahaa. (Metro).

Weeraryahanka Brentford ee kasoo jeeda dalka Cameroon, Bryan Mbeumo oo 25-jir ah ayaa rajeynaya inuu helo mushaar dhan 250,000 oo Gini toddobaadkii kasoo shan jeer ka badan mushaarka uu hadda qaato balse waa haddii uu ku biiro Manchester United. (Times).

Kooxda Inter Milan ayaa xiriir la samaysay maamulaha kooxda Como, Cesc Fabregas oo khadka dhexe uga cayaari jiray xulkiisa Qaranka Spain iyagoo ka dalbaday inuu noqdo tababaraha cusub ee kooxda Inter, kaddib markii uu ka tagay Simone Inzaghi. (Sky Sports).

Chelsea ayaa doonaysa inay heshiis la saxiixato 29-jirka reer France, Mike Maignan – kaasoo qandaraaska uu kula joogo kooxda AC Milan ay uga harsan tahay hal sano oo qura. (Talksport).

Milkiilaha Crystal Palace, John Textor oo sidoo kale iska leh kooxda Faransiiska ee Lyon, ayaa isku dayaya inuu iibiyo saamiga ugu badan ee kooxda iyadoo kooxdu isku dayayaan inay ka fogaadaan in laga saaro koobka Europa League xilli ciyaareedka soo socda maadaama ay jabiyeen sharciga lahaanshaha kooxaha badan ee xiriirka kubadda cagta ee Yurub Uefa. (Mail).

Goolhayaha reer England, Aaron Ramsdale ayaa wadahadallo la yeeshay kooxda West Ham United isaga oo kaga soo biiray kooxda Southampton, waxaana lagula soo wareegayaa 27-jirkan lacag dhan 20-milyan oo Gini, kaddib markii ay kooxdiisu ay hoos ugu laabatay kooxaha heerka labaad ee Ingiriiska. (Talksport).

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee u dhashay dalka Croatia, Luka Modric oo 39-jir ah ayaa si afka ah u ogolaaday inuu ku biiro kooxda AC Milan marka uu ka tago Real Madrid kaddib koobka kooxaha adduunka ee FIFA oo la qaban doono xagaagan. (Gianluca di Marzio).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here