Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS, Md. Saalax Axmed Jaamac ayaa si wadajir ah xarigga ugu jaray xarunta 3-aad ee Suuqa Xayaat Mall oo laga hergeliyay nawaaxiga isgoyska Jubba dhinaca degmada Boondheere ee Magaalada Muqdisho.
Duqa Caasimadda oo khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyay xafladda xarig-jatka ayaa ganacsatada Suuqa Xayaat Mall ku ammaanay sida ay ugu dhiirradeen ballaarinta ganacsigooda, isagoo ugu baaqay ganacsatada kale ee Soomaaliyeed in ay ku kalsoonaadaan maal-gashiga dalkooda si loo helo kobac dhaqaale iyo shaqo abuur loo sameeyo dhallinyaradda Soomaaliyeed.
“Xawaraha Xayat Xamar oo idil wey ka muuqata,” ayuu yiri Duqa Muqdisho, kaddib markii uu xarigga ka jaray Xayaat Mall faraceeda 3-aad ee degmada Boondheere.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in isbeddelka amni iyo horumarka ka jira Xamar ay suura-gelisay in ganacsatada Soomaaliyeed ku dhiirradaan maalgelinta suuqyo waa-weyn oo ay bulshada baahi u qabeen, taasoo caasimadda u horseedeysa in ay la tartanto caasimadaha kale ee Dunida.
Ugu dambeyn, Munaasabadda xarig-jarka faraca 3-aad ee Suuqa Xayaat Mall ayaa waxaa goo-bjoog ka ahaa wasiirro, xildhibaano, taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Guddoonka sare ee Maamulka Gobolka Banaadir, siyaasiyiin, cuummaa’uddiin, haweenka, ganacsato, qaybaha bulshada iyo marti sharaf kale.














