Danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobay Abuukar Daahir Cusmaan (Baalle) oo khudbad ka jeediyay kulanka Golaha Ammaanka ee QM ayaa ka hadlay dhaqdhaqaaqyada ay ciidamada Itoobiya ka wadaan xuduudaha Soomaaliya. Waxa uu iftiimiyay arrimaha xasaasiga ah ee ka dhashay fara-gelinta Itoobiya, taas oo khilaafsan dhaqanka dowladnimada iyo xeerrarka caalamiga ah, isaga oo carrabka ku adkeeyay baahida muhiimka ah ee loo qabo in golaha ammaanku ogaado dhaqamada sharci-darrada ah ee Itoobiya ay ka wado bariga Afrika.
Sidoo kale, Waxa uu sheegay in muhiimadda weyn ee ay leedahay ilaalinta xasilloonida gobolka iyo doorka ay Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrikaba ka ciyaaraan dadaallada ka hortagga colaadaha, taasoo Itoobiya cadaadis ku saareysa inay ixtiraamto mabaadi’da caamka ah ee Midowga Afrika ku dhisan yahay. Dowladda Soomaaliya, waxa ay hore u soo saartay bayaan rasmi ah oo ay ku cambaareyneyso gardarro cad Itoobiya ay ku doonayso qayb ka mid ah dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Dhanka kale, waxa uu sheegay in Midowga Afrika uu door ka qaataa ilaalinta xuduudaha dalalka Afrika oo dhan iyo ka hortagga colaadaha khatarta gelin kara xasilloonida iyo madax-bannaanida dalalka Afrika. Xad-gudubyadaas waxaan horgeynay ururka nabadda iyo ammaanka Midowga Afrika (AUPSC), balse Dowladda Itoobiya kama aysan qeyb-galin shirkii uu goluhu ku baaqay in looga hadlo arrintan. Waxaana intaas dheer, shirkii Midowga Afrika ee sabtidii, dawladda Itoobiya waxay ku haysay hoteelkiisa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa ayna isku dayday inay ka hor istaagto inuu galo xarunta Midowga Afrika si uu u jeediyo khudbadiisa.
Marka la eego arrimahaas, waxaa cad in Itoobiya ay si bareer ah u carqaladaynayso iskaashiga laba geesoodka ah, isla markaana kor u qaadaysa tilmaan khatar ah oo ku saabsan sida ay uga go’an tahay waddankeeda martida loo yahay ee ku aaddan mabaadi’da Midowga Afrika iyo dublamaasiyadda caalamiga ah. Waxa ay u muuqataa in sumcadda Midowga Afrika ay si weyn u xumeeyeen ficilladan oo kale.
Ugu dambeyn, Kalsoonida Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika iyo xasiloonida Soomaaliya ayaa ah kuwo si weyn isugu xiran, xad-gudubyadan aan soo sheegnayna waxay khatar toos ah ku yihiin dhammaan. Waxaan muujinaynaa aragtidayada ah in Midowga Afrika ay ahayd in uu si firfircoon uga hadlo waxa cad ujeedla gardarrada qaawan ah ee ka dhanka ah midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya. Marka la eego culayska ay leedahay xaaladdu iyo saamaynta xun ee ay gobolka iyo caalamkaba ku yeelanayso, waxaa waajib ku ah Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika inay xaqiijiyaan inay ka dhabeeyaan hadafkooda ah ka hortagga colaadaha iyo ilaalinta nabadda iyo ammaanka caalamiga ah.













