Kooxda Kubadda Cagta Real Madrid oo Markii 14-aad ku Guuleysatay Koobka Kooxaha Yurub

0
880

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa ku guuleysatay tartanka Champions League markeedii 14aad kaddib markii ay 1-0 ku garaacday Liverpool kulan ay inta badan ciyaarta maamulaysay kooxda tababare Klopp.

Real Madrid ayaa sii dheeraysatay tirada koobabka Champions League ee ay haysato, waxaanay laba-jibbaar ka badan tahay kooxda kusoo xigta ee AC Milan, halka Bayern Munich iyo Liverpool ay min lix jeer haystaan koobkan.

Ciyaartan oo inteeda badan ay maamulaysay Liverpool ayaa waxa wacdaro dhigay goolhaye Thibaut Courtois oo ah halyeyga ku suntan guusha Real Madrid, iyadoo in ka badan toban kubbadood oo halis ahaa uu ka badbaadiyey ciyaartoyda Liverpool, kuwaas oo inta ugu badan uu ku toogtay Mohamed Salah.

Gool madi ah oo bilowga qaybta labaad uu dhaliyey xiddiga reer Brazil ee Vinicius Junior ayaa Real Madrid ku hoggaamiyey guushan weyn ee taariikhiga ah, iyadoo noqotay naadiga kooxihii ugu waaweynaa xilli ciyaareedkan karbaashay.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa Real Madrid laga diiday gool uu u dhaliyey Karim Benzema oo illaa saddex daqiiqadood ay VAR ku mashquulsanayd xaqiijintiisa, kaas oo ugu dambayntii ay garsooreyaasha dhexe ku raacday inay offside tahay, iyadoo 45kii daqiiqadood ee ugu horreeyey ciyaarta ay Liverpool goolka toogatay toban jeer, halka Real Madrid ay hal mar oo kaliya qaadday.

Mohamed Salah oo ahaa xiddigii aadka ugu sii hanjabayay Real Madrid, isla markaana ku riyoonayay inuu ka aargoosto maadaama finalkii 2018 ay Los Blancos ku garaacday kooxdiisa, isla markaana uu Ramos garabka ka jabiyey, ayaa waxa uu khasaariyey fursadihii ugu badnaa kooxdiisa.

Kubbad cidhiidhi ahayd oo uu Alexander-Arnold uga soo dhiibay dhinaca midig ayaa uu qaybtii hore ku leexiyey goolka, waxaana ka qabtay Courtois, ka hor intii aanu madax awood badan iyo kubbad uu soo wareejiyey ku garaacin goolhayaha oo si dirqi ah ku tiigsaday, birtana ka jaray kubadda.

45kii daqiiqadood ee dambe ayuu Salah saddex jeer kubbado goolal loo qaatay ku liishaamay goolka Real Madrid, waxaanay midda hore ahayd kubbad uu soo qalloociyey oo uu Courtois si dhib badan ku tiigsaday, una saaray koorne, halka kubadda labaadna uu Jota madax ugu soo celiyey kubbadda oo uu goolka hortiisa lugta midig ugu dhamaystiray balse uu Courtois lugta bidix u dhigay, sidaana koorne ugu saaray ka hor intii aanu goolhayaha Belgium badbaadin kubbad kale oo halis badnayd oo uu lugta midig ku toogtay.

Vinicius Junior iyo Dani Ceballos ayaa iyaguna fursado fiican ka khasaariyey Real Madrid, halka Karim Benzema uu isaguna baas qaldan bixiyey iyadoo saddex ciyaartoy ay ugu tageen hal difaac oo Liverpool ah.

Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 1-0 ay guushu ku raacday Real Madrid, waana markii 14aad ee ay ku guuleystaan koobkan iyo markii shanaad ee toban sannadood gudahood ay qaadaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here