Bannaanbaxyo lagu taageerayo cuno-qabateyntii hubka ee laga qaaday Somalia oo ka socda Muqdiaho: SAWIRRO

0
587

Dibadbaxyo lagu taageerayo cuno-qabateyntii hubka ee laga qaaday Somalia ayaa ka socda degmooyinka iyo deegaannada gobolka Banaadir, waxaana ka qaybgalaya shacab aad u fara badan oo ku faraxsan go’aankan oo lagu dhawaaqay maalmo ka hor oo ka kala jooga degmooyinka iyo deegaanada gobolka Banaadir.

Guddoomiye ku xigeennada maamulka gobolka Banaadir iyo agaasinayaal ayaa kormeerro ku maraya degmooyinka iyo deegaanada ay dibadbaxyadu ka socdaan, si ay ugu kuurgalaan sida dadka ku nool caasimada ay u soo dhaweeyeen cuno-qabateynta hubka ee Soomaaliya laga qaaday, taasoo ka mid ah guulaha ay dowladda Soomaaliya gaaryey mudo gaaaban gudaheed.

Shacabkii dibad-baxyada ka qayb-galayay oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in tallaabadan cuno-qabateynta looga qaaday Soomaaliya ay tahay guul weyn, iyagoo sheegay inay tani albaab u noqon doonto in Soomaaliya laga xoreeyo kooxaha Khawaarijta.

Ugu dambeyn, Dadweynaha Caasimadda iyo maamulkooda ayaa madaxweynaha dalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ku ammaanay dadaallada uu ku doonayo in dalka uu uga baxo caqabadihii uu kusoo jiray muddada fog iyo go’aankiisa dalka oo dhan looga xoreynayo Khawaarijta iyo inta la hal-maasha.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here