Soomaaliya iyo Jabuuti oo ku heshiiyay kordhinta ciidanka Jabuuti ee Soomaaliya ku sugan.

0
184

Dowadaha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa maanta magaalada Jabuuti ee caasimadda wadankaasi ku kala saxiixday Heshiiska Xaaladda Ciidamada (Status of Forces Agreement – SoFA), si loo xoojiyo joogitaanka iyo kordhinta ciidamada Jabuuti ee gudaha Soomaaliya.

Heshiiska waxaa kala saxiixday Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, iyo Ku-simaha Wasiirka Gaashaandhigga Jabuuti, Cali Xasan Bahdoon. Mas’uuliyiin sare oo labada dhinac ka kala socday ayaa goob-joog ahaa Saxiixa heshiiska.

May be an image of 8 people, dais and text that says 'IGAD DELIGAD DEL 'IGAD LE FUTUR IDAT'

SoFA-du waxay dejinaysaa shuruucda iyo habraacyada la xiriira howlgalka ciidamada Jabuuti ee Soomaaliya, iyadoo lagu saleynayo iskaashi, is-ixtiraam, iyo heshiisyo horey loo gaaray.

Heshiiskani wuxuu muujinayaa sida ay Jabuuti uga go’an tahay taageerada nabadda iyo amniga Soomaaliya, wuxuuna qeyb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo xasilloonida gobolka sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay wasaaradda difaaca Soomaaliya.

May be an image of text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here