Kuuriyada Koonfureed oo Safiirka cusub usoo magacowday Soomaaliya.

0
231

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta oo Talaado  ah, kaga guddoomay xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo, Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Kuuriya Koonfureed u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Kang Hyung-Shik.

Wasiirka ayaa u rajeeyay Safiirka cusub inuu ku guulaysto howshani muhiimka ah ee loo igmaday, isaga oo tilmaamay in Soomaaliya ay aad u daneyneyso kobcinta xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashiga ee ay la leedahay Jamhuuriyadda Kuuriya, caddeeyayna muhiimadda ay leedahay xoojinta saaxiibtinimada soo jireenka ah iyo in la sii wado wada-shaqeynta si loo hiigsado himilooyinka la wadaago, isfahanka labada dal iyo sare u qaadida wax-wadaagga.

May be an image of 2 people, dais, the Oval Office and newsroom

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here