Kooxda Manchester City oo markii ugu horreysay ku guuleystay koobka Champions League: SAWIRRO

0
381

Kooxda Manchester City ee dalka Ingiriiska ayaa markii ugu horreysay ku guuleysatay koobka Champions League, kaddib markii ay 1-0 kaga adkaatay kooxda Inter Milan oo ay isku haleeleen ciyaartii fiinaalka ahayd moobkan oo ka dhacday garoonka Ataturk Stadium ee magaalada Istanbul.

Ciyaarta oo qaybteeda hore ay fursaduhu aad u yaraayeen isla amarkaana goolhaye Andre Onana uu kubbad halis ahayd ka difaacay Erling Haaland, ayaa waxa ruxay dhaawac soo gaadhay Kevin De Bruyne oo garoonka ka baxay daqiiqaddii 36-aad.

Kooxda Inter Milan wax halis ah ma aysan gelinin goolka Man City qaybtii hore ee cayaarta, inkastoo kubadda ay si aad u wanaagsan ula qaybsadeen oo ay diideen inay kooxda City sidii ay doonto ay ciyaarta u maamusho, isla markaana xakameeyeen furaado badan oo goolal noqon karay.

Markii lagu soo noqday qaybta labaad ee cayaarta ayuu weeraryahanka Argentina ka soo jeeda ee Lautaro Martinez waxa uu lumiyay fursad u muuqatay gool, kaddib markii kubbad uu qalday Bernardo Silva uu ula tegay goolhaye Ederson, waxaana halkii uu uga dhiibi lahaa Lukaku oo meel fiican taagnaa uu doorbiday inuu isagu ku laado, waase laga badbaadiyay, isagoo ku dhuftay goolhayaha reer Brazil.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Spain Rodri ayaa daqiiqadii 68-aad ee ciyaarta shabaqa kooxda Inter Milan oo ka mid ah kooxaha ugu awoodda badan Talyaaniha ku hubsaday goolka guusha.

Kooxda Man City ayaa qaadday sannadkan oo keliya saddex koob, taasoo ka dhigtay inay noqoto kooxdii labaad ee Ingiriis ah ee saddex koob ku guuleysata hal xilli cayaareed, kaddib Manchester United oo sannadkii 1999 ku guuleysatay Premier League, FA Cup iyo Champions League.

Laba sano ka hor ayay Manchester City oo fiinaalka koobkan waxaa ka qaaday kooxda Chelsea oo Ingiriiska ka dhiaan, balse sannadkan ayay u suuro-gashay in markii ugu horreysay ay koobkan ruxdo.

Tababaraha Kooxda Manchester City, Pep Guardiola ayaa haatan kooxsiisa u suuro-geliyay inay qaaddo koobka Champions League, kaasoo ka dhigan 12 koob oo uu la qaaday kooxdiisa Manchester City.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here