MUUQAAAL: Waaxda Nadaafadda iyo bilic soo celinta Dowladda Hoose oo hawlo nadaafadeed ka fuliyay Suuqa Bakaaraha

0
292

Waaxda Nadaafadda iyo bilic soo celinta Dowladda Hoose ee Xamar ayaa maanta hawlo nadaafadeed ka fuliyay suuqa weyn ee Bakaaraha, taasoo qayb ka ah hawlaha lagu soo celinayo bilicda caasimadda.

Agaasimaha Waaxda Nadaafadda Dowladda Hoose ee Xamar ayaa sheegay in hawshan nadaafadeed ay iska kaashadeen shirkadda nadaafadda ee IFI, isagoo xusay in hawshan ay fuliyeen Jimcaha maanta ah oo uu sheegay inay tahay maalin shaqooyinka laga nasto.

Ugu dambeyn, Suuqa Bakaaraha ayaa ah suuqa ugu weyn ee Koonfurta Soomaaliya, waxaana nadaafadda suuqaan kaalin weyn ku leh Waaxda Nadaafadda iyo bilic soo celinta gobolka Banaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here