Duqa Muqdisho Mire Salaad u magacaabay Guddoomiyaha Degmada Daarusalaam.

0
240
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa Mudane Mire Salaad Dhuxulow u magacaabay Guddoomiyaha Degmada Daarusalaam ee Gobolka Banaadir, waxaana Xilkii Guddoomiyaha Degmada Daarusalaam laga qaaday Md. Maxamed Cabdiraxmaan Maxamuud.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa kula dardaarmay Guddoomiyaha cusub ee Degmada Daarusalaam Mire Salaad Dhuxulow in uu mudnaan siiyo Harumarinta Degmada, bilicda iyo baahinta adeegyada aas-aasiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here