Maamulka Gobolka Banaadir ayaa wareegto uu soo saaray ku wargaliyay milkiilayaasha Mootada saddexda lugood leh ee Bajaaj-ta loo yaqaan iyo shacabka Soomaaliyeed in la soo gaba-gabeeyay midabeynta iyo diiwaan-gelinta Mooto Bajaaj-ta Gobolka Banaadie, isla markaana uu dhaqan-galayo amarkii maamulku laga billaabo berri oo bishu tahay 25-05-2023.
Sidoo kale, Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in berri ay shaqeynayso mootada ku sumadeysan xarafka A ee midabkeedu yahay jaallaha, halka Jimcaha ay shaqeynayso mootada ku sumadeysan xarafka B oo midabkeedu yahay buluugga.
Mooto kasta oo A iyo B ah waxa ay shaqeyn doontA 24 saac maalinta shaqo ahaan ay ki qoran tahay, laga billaabo 5:00 AM ama 11-ka saac ee subaxnimo.
Ugu dambeyn, Mootadii sharciga diiwaan-gelinta iyo midabeynta sharciga ah ki xad-gudubta waxaa lagu ganaaxi doonaa lacag dhan 2,600,000 oo shillin Soomaali ah oo u dhiganya $100 (Boqol doollar).













