Ciidamada xoogga dalka Soomaliyeed oo kaashanaya hawlgalka Mareykanka ee caawiya ciidamada Soomaaliya ayaa hawlgal qorsheysan oo cirka iyo dhulka ah oo laga fuliyay maanya deegaannada; Gal-Libaax iyo Ceel-Qurac oo dhaca xadka gobollada Galgaduud iyo Shabeelaha Dhexe oo ay isku urursanayeen Khawaarijta.
War-saxaafadeed ay Dowladda Somalia soo saartay waxa ay ku sheegtay in lagu dilay hawlgalkas ayaa ku dhawaad 100 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta oo ay ku jiraan horjoogayaal, iyadoo lagu burburiyay goobtii ay dhagarta ku maleegayeen cadowga.
Hawgalka, waxaa gacan libaax ka geystay shacabka deegaanka oo si wanaagaan ula shaqeeyay ciidanka Qaranka ee hawlgalka fuliyay.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay u mahad-celinaysaa ayaa bayaankan lagu yiri; hawlgalka Mareykanka ee caawiya ciidanka Qaranka Somalia oo gacan ka siisay hawlgalkan lagu dhabar-jabiyay qorahaha Khawaarijta ay ku doonayeen in ay ku dhivaateeyaan shavcabka.
Sidoo kale, Ciidanka Xoogga Dalka ayaa wali wada hawlgal dhinaca dhulka ah, iyagoo ku raad-jooga firxadka Khawaarijtii ka baxsaday hawlgalka qorsheysan.
Hawlgalkan ayaa qayb ka ah hawlgallo joogto ah oo ay ugu dambeeyeen kuwii ka dhacay Budbud iyo Weel-Maarow, kuwaas oo lagu dilay in ka badan 70 Khawaarijta ka tirsan.
Ugu dambeyn, Dhanka kale, Dowladda FS oo garabaanaysa shacabka iyo saaxiibada caalamka waxaa ka go’an inay ciribtirto kooxaha Khawaarijta ah, ayaa lagu yiri war-sazaafadeedka ay dowladdu soo saartay.














