MASHRUUCA HORUMARINTA KAABAYAASHA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA WAJIGA II (SURP-II)

0
438

Wajiga labaad ee Mashruuca Horumarinta Kaabayaasha Magaalooyinka Soomaaliya (SURP II) ayaa laga fulinayaa lix-da (6) magaalo ee kala ah: Baydhabo, Garoowe, Kismaayo, Beledweyne, Dhuusamareeb, iyo Muqdisho, kuwaasi oo loo gartay in laga sameeyo howlo lagu hagaajinayo kaabayaasha dalka. SURP II II ayaa loo hayaa miisaaniyad dhan 153.5 milyan oo Dollar, waxayna ujeedadeedu tahay in lagu xoojiyo soo kabashada magaalooyinka ayada oo (i) Dowladaha Hoose ee magaalooyinkan la siinayo taageero la xidhiidhta sare u qaadista xirfadaha iyo xoojinta nidaamyada dawladda ee heer Degmo, (ii) Maalgelinta kaabayaasha magaalooyinka ee mudnaanta leh, (iii) Abuurista fursado dakhli oo muddada-gaaban ah, fursadahaas oo la siinayo dadka nugul, sida haweenka, saboolka ku nool magaalada, barakacayaasha, iyo (iv) Xoojinta hay’adaha Dowladda ee heer degmo.

Riix halkaan mashruuca oo faahfaahsan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here