Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta xarunta caafimaadka ee Shangaani ku wareejiyay shixnad dawo ah, taas oo qayb ka ah dadaallada maamulka gobolka ee lagu xoojinayo adeegyada caafimaadka bulshada.
Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa waxa uu sidoo kale deeq lacageed siiyay bukaannada ku jira MCH-ka uu maanta booqday.
Intii lagu guda jiray booqashada Guddoomiye Dr. Muungaab, Agaasimaha Caafimaadka Gobolka Banaadir, Dr. Cabdiraxmaan Axmed, ayaa sheegay in xaruntan ay door muhiim ah ka qaadato bixinta adeegyada caafimaadka, isla markaana ay ka mid tahay lix xarumood oo maamulka gobolka ku xoojiyay ku-dhawaad 70 hawlwadeenno caafimaad oo joogto ah.
Guddoomiye Dr. Muungaab ayaa bogaadiyay shaqada hufan ee ka socota xarunta Shangaani, isaga oo carrabka ku adkeeyay sida maamulka gobolka mudnaan gaar ah u siinayo adeegyada bulshada, gaar ahaan caafimaadka iyo waxbarashada.
Ugu dambayn, Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa ballan qaaday in maamulka Gobolka Banaadir uu si dhow ula socon doono adeegyada caafimaadka ee xarumaha hooyada iyo dhallaanka, islamarkaana bulshada la garab istaagi doono taageero joogto ah.













