Madax kala duwan oo qaarkod horay xilal uga soo qabtay Dowladihii dalka soo maray iyo kuwo hadda xilal haya ayaa si isku mid ah ugu baaqay in dagaalka lagula jiro Khawaarijta aan la siyaasadeyn.
Mas’uuliyiintaan ayaa waxay sheegeen in Alshabaab ay caqabad weyn ku tahay amniga, horumarka iyo dhaqalaha dalka, sidaas darteedna ay tahay in la isku kaashado dagaalka lagula jiro Khawaarijta iyo wixii taageersan.
Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo la hadlay warbaahinta ayaa ku baaqay in la garab-istaago Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed ee dagaalka kula jira Khawaarijta, wuxuuna tilmaamay in cadowgu mar kasta ay guul u tahay kala qaybsanaanta ummadda.
Xildhibaan Mahdi Maxamed Guuleed oo horay u soo noqday Ra’iisul Wasaare ku xigeen yaa isna yiri: “Waa in aynu meel uga soo wada jeesano argagixisada; waa maalintii aynu midoobi lahayn; yaan dhibco siyaasadeed laga raadin arrimaha amniga, aynu la shaqayno Madaxwaynaha Dalka iyo Ciidamada Xooga Dalka.“
Sidoo kale, La taliyaha arrimaha dhaqaalaha ee Madaxweynaha Dowladda Somalia, ahna agaasimaha guud ee golaha dhaqaalaha Qaranka Xasan Adan Hoosoow ayaa yiri: “Khawaarijtu waxa ay hortaagan yihiin hormar walba uu dalku gaari lahaa, waana ina la taageeraa go,aanka madaxweynaha ee dalka looga sifeynayo cadowga ummadda”.
Ugu dambeyn, Mas’uuliyiinta arrintan ka hadlay waxaa ka mid ah; Ra’iisul Wasaare hore C/weli Maxamed Cali Gaas oo xusay in Madaxweyne Xssan Sheekh uu qaatay go’aan geesinimo loola baahan yahay in la isgarab-taago, si dalka looga qabto cadowga aan dalka iyo dadka u naxayn.













