Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) iyo Gudoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada ayaa ka qeyb galay barnaamijka wacyi galinta iyo ka hortagga Rabshadaha oo lagu qabtay Degmada shingaani ee gobolka Banaadir.
Duqa muqdisho ayaa kula dardaarmay shacabka reer Shingani in ay iska ilaaliyaan waxyaabaha keeni kara amni darada, kana ilaaliyaan caruurtoda waxyabaha maanka dooriya.














