Maamulka gobolka Banaadir oo dhiiragalinaya wax soo saarka kaluumaysatada iyo ganacsiyada yar-yar.

0
164
Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta hoggaamiyay munaasabad lagu wareejinayay agab kalluumaysi oo ay iska kaashadeen Agaasinka Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Dowladda Hoose ee Muqdisho iyo Hay’adda Cuntada iyo Beeraha Qaramada Midoobay ee FAO.
Agabka la wareejiyay waxa uu ka koobnaa qalabkii aasaasiga ahaa ee lagu taageeri lahaa hawlaha kalluumaysiga iyo ganacsiyada yar-yar, iyadoo la hiigsanayo in la dhiso jawi shaqo oo waara, la yareeyo khasaaraha, isla markaana la kordhiyo wax-soo-saarka iyo dakhliga qoysaska ilaa qaranka.
Dr. Muungaab oo munaasabadda khudbad ka jeediyey ayaa carrabka ku adkeeyey muhiimadda iskaashiga iyo daahfurnaanta qaybinta agabka, wuxuuna yiri:
“Waxa aan maanta halkaan u joognaa inaan xaqiijino in agabkan lagu wareejiyey si daahfuran, hufan oo caddaalad ah, si toos ahna uga faa’iideystaan kalluumaysatada iyo ganacsatada yaryar. Taageeradani waa maalgashi toos ah oo lagu horumarinayo nolosha qoysaska iyo dakhliga bulshada.”
Isagoo sii faahfaahinaya, Dr. Muungaab wuxuu intaas ku daray:
“Tani waa tallaabo muuqata oo kasoo baxday iskaashi dawladeed iyo mid caalami ah. Waxaan rajeynayaa in agabkan uu noqdo billow lagu yagleelo rajo, lagu dhiirrigeliyo ganacsiga, isla markaana lagu kordhiyo fursadaha shaqo ee dhalinyarada iyo haweenka ka shaqeeya kalluumaysiga.”
Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa sidoo kale caddeeyey in sababta uu si shakhsi ah uga qaybgalay munaasabadda iyo ujeedka loogu casuumay mas’uuliyiinta FAO ay ahayd in laga dhigo habka qaybinta mid hufan, “si markhaati looga noqdo daahfurnaanta iyo isla xisaabtanka.”
Agaasinka Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Dowladda Hoose ee Muqdisho ayaa ka shaqeyn doona kormeerka, qiimeynta saamaynta, iyo qorsheynta tallaabooyinka xiga si loo hubiyo in taageeradu dhaliso natiijo wax-ku-ool ah.
Munaasabadda ayaa waxaa ka qaybgalay mas’uuliyiin ka socotay heerarka Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Muqdisho, wakiillo ka socday FAO, iyo qaybaha bulshada caasimadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here