Maamulka degmada Hodan oo olole nadaafadeed Ka sameeyay Wadada Sodonka

0
1326

Maamulka Degmada Hodon oo kaashanaya Waaxaha Gaadiiidka iyo Nadaafadda Dowladda Hoose ee Xamar iyo Shirkadaha Nadaafada ayaa Olole Nadaafadeed ka sameeyey Wadada Sodonka  inta ka marta degmadooda  taas oo ah inta u dhexeysa isgoyska Black Sea iyo Warshaddii Caanaha.

Guddoomiye ku xigeenka Arimaha Bulshada ee Degmada Hodon Cabdikaafi Yuusuf oo la hadlay Idaacadda Codka Caasimadda ayaa sheegay in ololahaas oo ay ka qeyb qaateen shirkaddaha nadaafada degmada iyo gaadiidka dowladda hoose gaar ahaan waaxda gaadiidka oo ay wehliyeen masuuliyiin ka socotey waaxda bilc soo celinta magaalada uu ku dhamaaday si nabadgelyo ah.

Guddoomiye Cabdikaafi Yuusuf  oo hadlkiisa sii wata ayaa digniin u diray dadka caadeystey iney Qashinka kusoo shubaan wadooyinka, waxa uuna intaa ku daray iney talaabada ku haboon ka qaadi doonaan haddii ay ka waantoobi waayaan.

Guddoomiye ku xigeenka Arimaha Bulshada ee Degmada Hodon Cabdikaafi Yuusuf ayaa gebagebadii waxa uu bulshada ku nool degmada Hodon ka codsaday iney kala shaqeeyaan nadaafada iyo bilic soo celinta Magaalada Muqdisho

 

Degmooyinka Hodon, Hawlwadaag iyo Wartanabadda ayaa 3-dii habeen eee la soo dhaafay waxay ku howlanaayeen nadiifinta wadada sodonka oo maalmihii dambe laga soo sheegayey nadaafad daro, waxaana loo istaagey ka dhabeybnta oraahdii guddoomiyaha gobolka banaadie ahna duqa caasimadda mdane cumar maxamuud maxaed cumar filish ee aheyd bulsho nabad ah iyo beled nadiif ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here