Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Somalia, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka hor jeediyey baarlamaanka, waxa uuna si adag uga hadlay faragelinta gurracan ee ay Itoobiya ku hayso arrimaha gudaha dalka, kaddib heshiiskii afgaradka ahaa oo ay dhawaan la yeesheen Somaliland.
“Wixii dhacay 01-dii Jannaayo waxa ay jabinayaan shuruucda iyo xeerarka caalamiga ah, mana noqon karaan kuwo dhaqan-gala .”
Madaxweynuhu waxa uu hadalkiisa ku daray: “Ra’iisul wasaare Abiy Axmed waxaan leeyahay faragelintii uu Meles Zenawi ku sameeyay Soomaaliya Al-shabaab ayaa ka dhashay, maanta oo aan Shabaabkii ka adkaanay fursad kale in loo abuuro sax ma ahan.”
Madaxweynaha ayaa sheegay in labada dal ee Somalia iyo Itoobiya ay ahaayeen kuwo daris ah qarniyaal badan, taariikhda ka dhaxeysana ay astaan u ahayd colaado iyo burbur.
“Dowladda Soomaaliya waxa ay qaadatay jihada nabadda iyo wada noolaanshaha dalalka deriska ah, kama aanan shaqeyn in la kala qaybiyo shacabka Itoobiya, balse nasiib-darro waxaa maanta dhacay ma ahayn wax Itoobiya laga filayay,” ayuu yiri madaxweyne Xasan.
Madaxweynaha ayaa ku nuux-nuuxsaday in tallaabadan ay xoojineyso saameynta fikradaha xagjirka ah ay ku leeyihiin bulshada, lagana yaabo in Khawaarijtu ay si khaldan uga faa’ideystaan.
Sidoo kale, Madaxweynaha JFS ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay u si wadajir ah ugu midowbaan difaaca midnimada dhuleed ee dalka iyo madax-bannaanida Qaranka.
Ugu dambeyn, Hadalka madaxweyne Xasan Sheekh ayaa imaanaya saacado ka dib markii Itoobiya ay ku dhawaaqday in maamulka Somaliland ay la saxiixatay heshiis sharci darro ah oo qeexaya in ay deked ka sameysato badda Soomaaliya.













