Ra’iisul Wasaare Xamse oo Muqdisho ka Furay Barnaamijka Xasilinta Dalka ee Hooyo u Hiilli Qarankaaga: SAWIRRO

0
443

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa daahfuray barnaamijka “Hooyo u Hiilli Qarankaaga,” kaas oo lagu muujinayo kaalinta muhiimka ah ee hooyooyinka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin amniga iyo xasillinta dalka.

Mudane Xamsa, ayaa si qoto dheer uga hadlay sida ay haweenku u yihiin tiirarka ugu muhiimsan ee dhisidda nabadda iyo amniga, wuxuu tilmaamay in Hooyooyinku ay leeyihiin awood gaar ah oo ay ku baraarujiyaan bulshooyinka, una horseedaan xasillooni iyo is-aaminaad.

Waxa uu sheegay in kooxaha Khawaarijta ah iyo qabylaaddu ay yihiin hooyada danbiyada iyo xumaanta, loona baahan yahay in wadajir loogu istaago ciribtirkooda, isaga oo ku adkeeyey hooyooyinka Soomaaliyeed in ay doorkooda ka qaataan sidii guryaha looga soo saari lahaa kuwa danbiyada geysanaya ee ku dhex dhuumanaya shacabka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku boorriyay haweenka Soomaaliyeed in ay sii wadaan dadaalkooda ku aaddan dagaalka Khawaarijta, isaga oo xusay in Xukuumadda DanQaran ay diyaar u tahay in ay taageerto haweenka, si ay u gaaraan himilooyinkooda.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa sheegay in hooyooyinku ay yihiin furaha horumarinta iyo badbaadada Qarankeenna. Wuxuuna ugu baaqay dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada in ay garab istaagaan hooyooyinka, si loo xaqiijiyo Soomaaliya nabad ah oo horumarsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here