Guddoomiye Yabooh iyo Xoghayaha Gobolka Banaadir oo Kormeeray Xabsiga Dhexe ee Magaalada Muqdisho: SAWIRRO

0
211

Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda maamulka gobolka Banaadir, mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) iyo xoghayaha guud, mudane Feysal Caraale Afrax ayaa maanta kormeeray Xabsiga Dhexe ee Xamar.

Ujeedka booqashadan ayaa ahayd mid ay mas’uuliyiinta maamulka G/Banaadir ugu kuur-galayeen xaaladda dhabta ee ka jirta xabsiga dhexe iyo sidii ay ugu jawaabi lahaayeen baahiya kala duwan ee taagan.

Taliyaha xabsiga dhexe, Jen. Maxamed Xuseen Sabtoow ayaa warbixin kooban oo uu sheegay ku tilmaamay in baahiyaha xabsiga ka jira ay ka mid yihiin, dhismaha xabsiga oo ah mid qadiimi ah, isla markaana uu u bahaan yahay dayactir ballaaran, agabya lagu maareeyo nadaafada xabsiga, caafimaadka iyo waxbarashada.

Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir, mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo la hadlay warbaahinta ayaa ballan-qaaday in maamulka gobolka Banaadir uu ka jawaabi doono baahiyaha ka jira xabsiga maadaama ay ku xiran yihiin in ku dhaw laba kun oo maxaabiis ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here