Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa talaadada maanta ah hoggaamiyay munaasabad buugaagta manhajka dugsiyada hoose iyo dhexe ee dalka loogu qaybinayay ardayda ku jirta Iskuulka Gabdhaha Agoonta ee Boondheere, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in ubadka Soomaaliyeed, gaar ahaan agoonta, ay helaan fursad waxbarasho iyo nolol hufan.
Khudbad uu Dr. Muungaab jeediyay ayuu ku dheeraaday doorka waxbarashada ee carruurta agoonta ah, isagoo ku nuuxnuuxsaday sida Maamulka Gobolka Banaadir ay uga go’an tahay in ay u noqdaan darbi adag oo ubadkaasi ku helaan daryeel, barbaarin iyo mustaqbal wanaagsan.
“Waan ku faraxsanahay in aan idinkala qaybgalo munaasabaddan qaybinta buugaagta manhajka, anigoo xusuusan in sannadkii 2014 markii aan soo booqannay dugsigan aniga iyo Maamada Qaranka, Marwo Qamar, ay joogeen ku dhowaad 90 gabdhood oo agoon ah, halka maanta ay gaareen kun iyo in ka badan oo arday ah.
Tani waa guul ay ka dhalatay dadaalka bulshada Soomaaliyeed iyo taageerada maamulka, iyadoo tiro badan oo ka aflaxday ay maanta door muuqda ku leeyihiin nolosha bulshada,” ayuu yiri Dr. Muungaab.
Guddoomiyuhu waxa kale oo uu tilmaamay in maamulka gobolka uu mudnaan gaar ah siiyo daryeelka iyo taageerada agoonta, isagoo xusay in qoondada dakhliga loogu talagalay dugsigaasi uu la labanlaabay:
“Markii aan xafiiska imaanayay lacagta aan u qoray Iskuulka waxa ay aheyd $2,000, (LABA KUN OO DOOLLAR) waxaana la gaarsiiyay $4,000 (AFAR KUN OODOOLLAR). In kasta oo aysan wali ku filnayn, haddana waxaan ku jirnaa dib-u-eegis iyo qorshe lagu xaqiijinayo in carruurta agoonta ahi helaan adeeg waxbarasho oo tayo leh iyo nolol wanaagsan,” ayuu sii raaciyey.
Duqa Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa carrabka ku adkeeyay in diinta Islaamka ee xaniifka ah iyo jihaynta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ay yihiin halbeegga maamulka gobolka uu ku saleeyo adeegyada bulshada, isagoo ballanqaaday sii wadidda taageerada joogtada ah ee loogu adeegayo bulshada, gaar ahaan kuwa nugul.
Munaasabadda ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa mas’uuliyiinta heerarka kala duwan ee Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Muqdisho.













