Guddoomiye Madaale oo booqday goob lagu fashiliyay Qarax ay soo abaabuleen Khawaarijta: SAWIRRO

0
356

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa booqday isgooska IFKA XALANE, gaar ahaan xarunta dhulbixinta Dowladda Hoose ee Xamar oo ah goobtii uu ku qarxay qaraxii ay fashiliyeen ciidanka Amniga Qaranka, iyaga oo toogtay dhagar-qabihii waday gaariga qarxay oo isku dayay inuu si xoog ah uga gudbo bar-kontorol oo ay ciidanka Amniga ku hubiyaan gaadiidka.

Kormeerka uu Guddoomiye Madaale ku tagay goobta uu qaraxa ka dhacay waxaa ku wehlinayay guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), iyada oo uu Duqa Muqdisho war-bixin la xariirta dhacdadan ka dhageystay saraakiishii goobta ku sugnayd, isagoo ku bogaadiyay sida foojignaanta leh oo ay ciidanka amniga uga hortageen dhagartan gurracan oo ay Khawaarijta ku dhibaateyn rabeen shacabka Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here