Maamulka gobolka oo si rasmi ah u daah-furay tababarka Macallimiinta CAF License D.

0
10
Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Cabdicasiis Cusmaan Maxamed, oo uu wehelinayo Guddoomiyaha Isboortiga Gobolka, Mudane Xasan Xaaji Yabarow (Wiish), ayaa si rasmi ah u daah-furay tababarka Macallimiinta CAF License D.
Tababarkan oo socon doona muddo shan maalmood ah, ayaa loogu talagalay macallimiinta degmooyinka Gobolka Banaadir, kuwaas oo lagu barayo nidaamka maamulka macallinimo iyo qodobbada aasaasiga ah ee horumarinta kubadda cagta.
Tababarkan oo uu soo agaasimay Xafiiska Isboortiga Maamulka Gobolka Banaadir, waxaa bixinaya Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta. Ka-qaybgalayaasha ayaa qaadan doona shahaado tababare oo ay si rasmi ah u aqoonsan yihiin Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta iyo Xiriirka Kubadda Cagta Qaaradda Afrika (CAF). Tababarka noocan ah waa markii ugu horreysay ee loo qabto macallimiinta degmooyinka Gobolka Banaadir.
Dhanka kale, Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Cabdicasiis Cusmaan Maxamed, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in 26-ka bishan Siteembar 2025, uu si rasmi ah u furmi doono Tartanka Kubadda Cagta Degmooyinka Gobolka Banaadir 2025.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here