Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somalia Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay munaasabadda calan-saarka habeenka 01-da Luuliyo oo ku astaysan 64-guurada xornimada gobollada Koonfureed iyo midowga labadii gobol ee Waqooyiga iyo Koonfurta Jamhuuriyadda Somalia oo lagu qabtay xarunta Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar.
Munaasabad middan la mid ah ayaa waxa ay xalay ka dhacday gobollada dalka iyo degmooyin ka tirsan caasimadda dalka ee Muqdisho, waxaana munaasabadaha intii au socdeen laga sheekeeyay xorriyadda iyo sidii ay ku timid, iyada oo loo duceeyay cid walba ka qaybqaadatay in Soomaaliya ay ka xorowdo gumeystayaashii reer Yurub ee muddada dheer haystay.
Xarumaha maamul goboleedyada dalka ayaa lagu qabtay munaasabado waaweyn oi lagu xusayay 64-guuradii kasoo wareegtay gobonninada iyo xorriyadda Soomaaliya.
Gobollada Waqooyi ee dalka ayaa 26-kii Juun 1960-kuu waxay ka xoroobeen gumeystihii Ingiriiska, iyadoo gobollada Koonfureed ay xorriyaddooda ka qaateen gumeystihii Talyaaniga 01-dii Luuliyo ee 1960-kii, isla markaana ah midoobeen labadii gobol ee Waqooyi iyo Koonfur.
Ugu dambeyn, Soomaalida Caalamka ku nool ayaa iyaguna xalay munaasabado lagu xusayo maalmaha xorriyadda iyo midowga Soomaaliya ku qabtay dalalka ay ku nool, halkaasoo lagu soo bandhigay taatiikhda xorriyadda Soomaaliya oo laga joogo 64-sano.


































