Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed u diray hambalyo ku aadan munaasabadda sanad-guurada 63-aad ee 12-ka Abriil oo ah maalintii la asaasay ciidanka oo maanta ku beegan.
“Waxaan hambalyo u dirayaa dhammaan ciidanka XDS, sarreeyaasha, saraakiisha, saraakiil xigeennada, alifleyda, dableyda iyo jadiidka ciidanka XDS iyo qoysaskooda munaasabadda 12 Abriil awgeed oo ku began maalinkii la dhisay ciidankeenna Xoogga,” ayuu yiri wasiir Jaamac oo qoraalkaan soo saaray.
“Maanta oo ku beegan 63-guuradii asaaska ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, waxay har iyo habeen u taagan yihiin difaaca sharafka Ummadda Soomaaliyeed iyo qiyamkooda, waxaan Alle (SW) uga baryayaa inuu u naxariisto intii ku shahiidday difaaca q
Qarannimada, intii ku dhaawacantayna uu caafimaad deg-deg ah uu siiyo.”
Wasiitka ayaa mar kale yiri: “Daljir kasta ee u istaaga difaaca ummadda, kana dhiidiya dhibta ummadda haysata waxa uu dalkan ku dhex-lahaan doonaa xasuus gaar ah. Haatan oo dalka uu ka jiro dagaal looga xorreynaayo khawaarijta caqabadda ku ah horumarka dalka, ciidanka millateriga yo shacabka xaq u dirirka ah, waxay casharro lama ilaawaan ah u dhigeen argagixisada go’aansatay dhibaateynta umaddeena.”
“Shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, waxa aan ka codsanaynaa taageerada iyo garab istaagga naftood-hurayaasha dhiiggooda u daadinaya sidii ay ugu noolaan lahaayeen sharaf iyo karaamo,” ayuu hadalkiisa kusoo gunaanaday Wasiirka Difaaca Somalia.













