Shaqaalaha Dab-damiska Dowladda Hoose ee Xamar ayaa ku guuleystay daminta dad xooggan oo abbare 12:31 PM ka kacay xaafadda Gahayr ee degmada Xamar-jajab, waxaana dabkan ka dhashay khasaare hantiyeed.
Mid ka mid shaqaalaha Dab-damiska ee Dowladda Hoose ee Xamar ayuu dhaawac fudud soo gaaray intii ay la dagaalamayeen dabka, waxaana jeextay jiingad.
Agaasimaha Waaxda Gurmadka deg-degga ah ee Dowladda Hoose, C/Qani Maxamed Axmed ayaa sheegay in shaqaalaha dabka la dagaala ay ku guuleysteen inay dabka damiyaan.
“Dabka waxaa ku gubtay afar guri oo isugu jira fillooyin iyo jiingado, mana jirto khasaare intaas ka badan oo uu geystay, dadaal badan oo ay shaqaalaha Dab-damiska sameeyeen ayaa ugu dambeyn lagu guuleystay in dabka la baqtiiyo,” ayuu yiri Agaasimaha Waaxda Gurmadka deg-degga ah, Mudane Cabdiqani Maxamed Axmed.
Sidoo kale, Agaasimaha Waaxda Gurmadka Deg-degga ah ee Dowladda Hoose ayaa ka dhawaajiyay in hanti badan oo intii hawsha daminta dabka ay soctay la badbaadiyay lagu wareejiyay dadkii lahaa.
Ugu dambeyn, Dabkan ayaan la ogeyn waxa uu ka dhashay, waana markii labaad oo ay shaqaalaha Dab-damiska Dowladda Hoose ay ku guuleystaan daminta dab khasaare geystay muddo dhawr casho gudahood ah.














