Madaxweynaha JFS Oo laga Helay Cudurka COVID-19 Fariinna u Diray Shacabka Soomaaliyeed

0
360

Madaxweynaha JFS mudane Hassan Sheikh Mohamud ayaa farriintan la wadaagay bulshada Soomaaliyeed.

“Waxaan dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee sharafta leh la wadaaggayaa in baaritaanno la igu sameeyay maanta lagu xaqiijiyay in la iga helay COVID-19.

Intaas waxaa dheer, inaan caafimaad qabo oo aan sii wadi doono shaqada aan u hayo qaranka iyo umadda Soomaaliyeed aniga oo raacaya habraacyada caafimaad ee la xariira Covid-19.

Waad ku mahadsantihiin ducadiinna iyo garab-istaaggiinna.

Allaa mahad leh.”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here