Guddoomiye Madaale oo dhagax-dhigay waddadii 15-aad tan iyo markii xilka loo magacaabay muddo sanad iyo bilo ah: SAWIRRO

0
300

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa dhagax-dhigay dib-u-dhiska waddada laamiga ah ee isku xirta isgoyska Kaaraan illaa aargada Liido ee degmooyinka Cabdicasiis iyo Kaaraan, taasi oo qayb ka ah barnaamijka dalkaaga ku dhiso hal doolar.

Dhagax-dhigga waddadan oo noqonaysa waddadii 15-aad ee uu dhagax-dhigo guddoomiye Yuusuf Madaale, muddada sanadka iyo billooyinka ah ee uu xafiiska joogo, ayaa waxa ay door muhiim ah ka qaadanaysaa fududeynta isku socodka bulshada ku dhaqan gobolka Banaadir iyo dalxiiska xeebta Liido ee caaasimadda.

Ugu dambeyn, Dhagax-dhiggan waxaa goob-joog ka ahaa; guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda gobolka Banaadir, mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), xildhibaanno Baarlamaanka FS ka tirsan, guddoomiyaha degmada Kaaraan, ku-simaha guddoomiyaha degmada Cabdicasiis iyo qaybaha kala duwan ee bulshada labada degmo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here