DAAWO: Aqalka Dowladda Hoose oo lagu qabtay kulan lagu bogaadiyay xoojinta Amniga Caasimadda: SAWIRRO

0
309

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), Wasiir-u-dowlaha Wasaarada Amniga Gudaha Mudane Maxamed Cali Xagaay, Taliyaha Ciidanka Boliiska Somalia, J.en. Sulub Axmad Firiin iyo Taliyaha Ciidanka Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Mudane Mahad Maxamed Salaad, ayaa kulan dardaaran iyo bogaadin ah oo ku saabsan xoojinta amniga Caasimadda la qaatay Maamulada Degmooyinka iyo deegaannada Gobolka Banaadir iyo saraakiisha laamaha amniga.

Kulankan oo ka dhacay xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenada Maamulka Gobolka Banaadir iyo Xoghayaha guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, waxaana madaxda iyo saraakiisha kulankan ka hadashay ay si wadajir u amaaneen hay’adaha Amniga iyo Maamullada degmooyinka sidii wanaagsanayd oo ay Amniga Caasimadda u maareeyeen bishii barakeysneyd ee Ramadaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here