Waxaa maanta mar kale Suuqayada magaalada Garoowe laga diiday isticmaalka lacagta Shilin Soomaaliga ah, kadib markiiย Ganacsatadu sheegeen in Bankiga Puntland uu diiday Sarifka iyo socod-siinta lacagta Shilinka Soomaaliga ah.
Dhammaan Goobaha kala duwan ee Ganacsiga magaalada Garoowe iyo dukaamada ย ayaa diiday qaadashada Shilin Soomaaliga, waxaana Cuntada iyo Adeegyada asโaasiga ah lagu iibsanaya Lacagta Dollarka.
Talaabadan ayaa waxaa ay markale saamayn baโan ku yeelatay dadka Danyarta ah, oo aan wax ku iibsan Karin Lacagta Dollar-ka, gaar ahaan kuwa muruq-maalka ah.
Waxa xusid mudan, in Xukuumadda Puntland aysan weli ka jawaabin xaaladdan ka aloosan Suuqyada Garoowe, taas oo culays ku keentay dhaqdhaqaaqa Ganacsiga Caasimadda.













