MUUQAAL: Ciidanka Booliiska Somalia oo soo bandhigay Hub, Gaadiid iyo Kooxo ka tirsan Al-Shabaab

0
332

Ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa sheegay in ay soo qabteen hub iyo gaadiid ay lahaayeen koox ka tirsan Al-shabaab, kuwaasoo lagu soo qabtay hawlgal qorsheysan oo ay sameeyeen ciidamada booliiska.

Afhayeenka Booliiska Soomaaliya Sadiiq Aadan Doodishe oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in kooxahan ka tirsan Khawaarijta lagu soo qabtay hawlgal ay iska kaashadeen shacabka Soomaaliyeed iyo ciidanka booliiska Soomaaliyeed.

“Kooxahan ka tirsan Al-shabaab waxaa lagu soo qabtay hawlgallo ay shacabka iyo booliiska iska kaashadeen, waxaana laga sameeyay waaxda Taleex, gaar ahaan Caynu- Shamsi” ayuu yiri Col. Saadaq Doodishe.

Sidoo kale, Afhayeenku waxa uu sheegay in lagu soo qabtay kooxahan rasaasta qoriga AK47, rasaasta baasuukaha iyo agab kale oo loo isticmaalo qaraxyada, isagoo sheegay in hubkan loo waday degmada Saakoow ee gobolka Jubbada Dhexe.

Ugu dambeyn, Afhayeenka ayaa sheegay in dadka lasoo qabtay ay ku jiraan, laba qof oo hubka xamaalayay, saddex lahaa bakhaarkii uu ku keydanaynaa, laba dawal oo waday gaariga loo yaqaan Caasiga iyo wade Mooto Bajaaj.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here