Taliska ciidanka Boliiska Qaybta guud ee Gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay gaadiid qoryo saaran yihiin oo ku xad-gudbay xeerka xakameynta hubka iyo rag hubeysan oo aan ciidanka dowladda ka tirsanayn.
Taliyaha qaybta guud ee booliiska Gobolka Banaadir G/Sare Macallin Mahdi oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono cid walba oo lagu qabto hub sharci-darro ah.
“Ciidanka Amniga waxa ay qabteen 23 qori oo isugu jiray 22-qori oo AK47 ah iyo qori faal ah, raggii watayna kama tirsanayn ciidanka qalabka sida,” ayuu yiri Macallin Mahdi, waxa uuna intaas ku daray: “Sidoo kale waxaa la qabtay gaati uu ku buufsan yahay astaanta ciidanka millateriga oo ay wateen dad shacab ah.”
Ugu dambeyn, Taliyaha ayaa sheegay in la horgeyn doono sharciga dhammaan dadka jabiyay xeerka xakameynta hubka ee uu ku dhawaaqay Madaxweyne Xasan Sheekh. Wax uuna sheegay inaan hubka laga dhex-geli karin goobaha ay ka midka yihiin Isbitaallada.















