DAAWO: Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir oo ka qaybgalay xuska Maalinta Afka Hooyo: SAWIRRO

0
338

Kulan lagu xusayay maalinta caalamiga ah afka hooyo ee Soomaaliga ee 21-ka Feberaayo ayaa maanta lagu qabtay xarunta AGA ee Muqdisho, waxaana kasoo qaybgalay mas’uuliyiin ka socday Gobolka Banaadir, kuwo dowladd federaalka ka socday, aqoonyahanno, xubno ka tirsan Somali Pen, Bulshada rayidka ah iyo dadweyne fara badan.

Ugu horreyn, waxaa kulanka ka hadlay guddoomiye ku xigeenka Akademiye-goboleedka Afka Soomaaliga ee AGA, Maryan Cariif Qaasim oo ka hadashay adeegsiga af Soomaaliga iyo bulshada Soomaaliyeed.

“Waxyaabaha aan ka shallaayo waxaa ka mid ah in aan buugaag badan ku qoray af Ingiriis, balse muddo kaddib ayaan af Soomaaliga wax ku qoray, runtiina aad ayaan uga helay qaabka wax loogu qoro afkeenna” ayay tiri Maryan Cariif oo intaas ku dartay in xilliyadii dambe oo dhan ay ay wax ku qoraysay kuna akhrinaysay afka Hooyo ee Soomaaliga. Waxayna bulshada ku boorrisay in carruurta si wanaagsan loo baro afkooda oo aan lagu dhiirrigelin barashada iyo ku hadalka afafka shisheeye.

Sidoo kale, waxaa ka halday kulanka guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada Gobolka Banaadir, Cabdicasiis Cismaan Maxamed oo ka hadlay kaalinta afka hooyo iyo qiimaha uu leeyahay in la ilaaliyo.

Guddoomiyaha Akademiye-Goboleedka Af Soomaaliga ee AGA, Prof. Cabdalla Cumar Mansuur oo xuska ka hadlag ayaa sheegay in dhallinta Soomaaliyeed marka la eego aad arkayso kuwo badan oo afkooda uu kaga wanaagsan yihiin afafka shisheeye.

Prof. Mansuur ayaa bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay inay xoogga saaraan wax ka qabashada inay afkooda xoojiyaan, isla markaana ay ka shaqeeyaan sidii aan afafka kale loogu dheehi lahayn marka la hadlayo.

Ugu dambeyn, mas’uuliyiintii goobtabka hadashay ayaa ku dheeraaday ka hadalka afka hooyo iyo qiimahiisa, iyagoo suugaan ku cabbiray afka hooyo iyo qiimihiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here