Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Mudane Hamza Abdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo oo isugu jira wasiirro iyo xildhibaanno ayaa gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan — oo uu ku soo dhaweeyay Madaxweynaha HirShabelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe)
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ujeedada safarkiisu tahay u kuurgelidda xaaladda abaaraha iyo dhiirigelinta ciidamada qalabka sida ee la dagaallamaya kooxda argagixisada.
Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa noqonaya Ra’iisul Wasaarihii ugu horreeyay ee soo booqda Beledweyne muddo 10 sano ah.














