MUUQAAL: Kulan ay ka Qayb-galeen Duqa Muqdisho iyo Madaxda Amniga oo lagu qabtay Muqdisho: SAWIRRO

0
533

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta ka qaybgalay shir looga hadlayay Amniga Caasimadda, kaasoo looga dooday xeerka xakameynta hubka, kaasoo la doonayo in la meel-mariyo.

Kulanka ayaa waxaa guddoominayay Wasiir u dowlaha Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cali Xagaa waxaana goobjoog ka ahaa; Madaxda hay’adaha Ammaanka oo ay ugu horreeyaan Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Jen. Sulub Axmed Firin iyo Agaasimaha Hay’adda NISA, Mahad Salaad.

Sidoo kale, Kulanka ayaa hadalladii laga jeediyay waxay u badnaayeen kuwo diiradda lagu saaray xoojinta amniga iyo hirgelinta xeerka xakameynta hubka caasimadda ee dhawaan ay soo saartay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ugu dambeyn, waxaa warbixinno laga dhageystay saraakiisha horkacaya ciidamada isku-dhafka ah ee hawlgalka Ciiltire oo ay ka mid yihiin booliiska sida militariga u tababaran oo si xoojin ah ula shaqeynaya ciidanka sugaya ammaanka Caasimadda dalka ee Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here