Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar ayaa soo saaray wargelin amar ah oo ku wajahan Mooto Bajaaj-ta, iyadoo amarkan lagu sheegay in wixii ka dambeeya; 15-ka bishan May, 2023; aanay shaqeyn karin Mooto aan la rijiyeyn, sidoo kalena aan lahayn sumad.
Bayaankan, ayaa lagu sheegay in amarkan uu si toos ah ugu socdo milkiilayaasha iyo Iskaashatooyinka Mooto Bajaaj-ta, iyadoo la faray in haddii la qabto mooto aan lahayn sumad iyo rinji lala tiisan doono sharciga.
Sidoo kale, wareegtada ayaa lagu sheegay in amarkii Maamulka Gobolka Banaadir uu soo saaray 24-kii bishan ee daba socday amarkii golaha wasiirrada Soomaaliya ee ahaa ee Mooto Bajaaj-ta habraac iyo sumad loo sameeyo uu ku egyahay 15-ka bishan.
Ugu dambeyn, Mooto Bajaaj-ta oo loo qaybiyay A iyo B oo mid walba uu maalin ka shaqeynayo Caasimadda ayaa la xusay in illaa hadda ay is-diiwaan-geliyeen tiro ka yar tiradii loo baahnaa, lagana doonayo inta aan amarka fulin inay fuliyaan.













