DAAWO: Madaxweyne Xasan Shiikh oo ka hadlay Doorashada soo socota iyo Xiriirka Imaaraadka

0
529

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay ka jawaabayay su’aalo ay meel fagaare ah ku weydiiyeen shacabka Soomaaliyeed, ayaa sheegay in ay dalka u jiheyn doonaan doorasho qof iyo cod ah oo ka dhacda sanadka 2026-ka, lagana gudbi doono hannaanadii hore ee doorashooyinka. Waxa uuna sidoo kale ka hadlay xiriirka u dhexreya Soomaaliya iyo dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

“Waxaa iga go’an in aan dib loogu laaban Teendhadii Afisyooni. Qorshaheennu waa in doorasho qof iyo cod ah ay dalka ka dhacdo sanadka 2026–ka, dadaalkii aan ku hirgelin lahayn doorashadaasna waqti gabogabo ah billaabi maynee, maanta ayaan billaabaynaa,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu sheegay inay dhammaatay in odayaal ay soo kala xushaan cidda xildhibaanka noqonaysa, waxaana la ogyahay buu yiri in ergooyinka wax dooranaya dhawr jeer la isku khilaafay tiradooda, laakiin hadda laga gudbayo.

“Doorashooyinkii dalka ka dhacay, waxay ku saleysnaayeen waa la ogyahay, waxaan ka shaqeyn doonnaa in shacabku ay soo doortaan cidda hoggaaminaysa. Inkastoo wax la isku dayay haddana horay looguma guuleysan, haddase way naga go’an tahay,” ayuu hadalkiisa ku daray Madaxweynaha Soomaaliya.

Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka jawaabayay su’aal ahayd xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka ayaa sheegay inuusan garanay xilli ay colaadi dhex-martay labada dal, weligoodna ay saaxiibbo ahaayeen oo uusan hadda xiriirkoodu billaaban.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha DFS ayaa sheegay in dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta uu kaalinta 1-aad uga jiro dalalka Soomaaliya gacanta ka siinaya dagaalka dalka looga xoreynayo Khawaarijta, isagoo xusay in cid walba oo dagaalkaas gacan ka siinaysa ay kaashanayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here